DEG DEG: Maxkamada militariga Puntland oo dil ku xukuntay 43 Al Shabab ah

Maxkamada militariga maamulka Puntland ayaa goor dhaw shaacisay in xukun dil ah lagu riday 43 Al Shabab ka tirsanaa oo hore loogu qabtay dagaalkii Garacad.

Cabdullaahi Xersi Cilmi Cali oo ah Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xaqiijiyay in maxkamada ay dil ku xukuntay 43 ka tirsan Al Shabab oo qirtay iney ku soo duulen maamulka iyo shacabka Puntland.

Raggan la xukumay ayaa lagu eedeyay iney dilen 24 askarta Puntland ah sido kalena ay dhaawacen 72 kale intii uu socday dagaal xoogan oo dhinacyadasi dhexmaray.

Kuwan dilka lagu riday waxa laga cabsi qabaa iney ku jiran carruur markii hore ay Puntland ku soo bandhigtay magaalada Garoowe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor