Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle oo fariin Deg-deg ah loo diray

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay ku laabtay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu kulan la qaatay labada Golle ee Maamulka Hirshabeelle.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Waare iyo xubnaha labada Golle ee Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada maamulkaas iyo kulamadii Waare uu Muqdisho kula soo qaatay Mas’uuliyiin kala  duwan.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlaha shaqo ee horyaalla Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ay kamid tahay ansixinta Miisaaniyada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee 2020.

Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulan Madaxweyne Waare uu Muqdisho kula qaatay hey’addaha deeq bixiyaasha iyo xubno kale.

Afhayeenka ayaa sheegay in Waare hey’addaha deeq bixiyaasha oo uu kala hadlay sidii loo fulin lahaa qorshe Mashruuc oo looga hortagayo Fatahaadaha iyo daadadka iyadoo waayo aragnimo laga qaadanayo Fatahaadihii Sanadkii hore.

Ugu dambeyn Wasiirada ka tirsan Hirshabeelle ee ku maqan Muqdisho iyo meelaha kale ayaa lagu amray in ay si deg deg ah ku tegaan Magaalada jowhar, maadama la marayo xili adag lana filayo Meelmarinta Guddiyo Dastuuri ah iyo Doorasho ku dhacda xiligeeda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media