Wasiirkii hore ee Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay Dil shalay Ciidamo Jabuuti ee qeybta ka Howlgalka AMISOM ruux shacab ah ugu geysteen Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
Wasiir hore C/raxmaan Cusmaan ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xunyahay falkii Ciidanka Jabuuti ay ku dileen Wiil dhalinyaro ah qof kalena ku dhaawaceen, kuwaasi oo kamid ahaa dad banaanbax ka waday Degmada Buulo-burte, isagoona tilmaamay in falkaas uu yahay mid aan la aqbali Karin.
Sidoo kale C/raxmaan Cusmaan ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in wax laga xumaado ay tahay in shacabka reer Buulo-burte oo go’doon ku jiray muddo lix sannadood, isla markaana dhigayay banaanbax nabadeed ay rasaas ku furaan Ciidanka Jabuuti.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti lala xisaabtsami doono, isagoona ku eedeeyay in kal horey qof shacab ah ay baabur dardarsiiyeen, sidoo kale ay toogteen ruux kale oo shacab ahaa.
Si kastaba hadalkan Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo shalay Ciidanka Jabuuti ay rasaas ku fureen dad banaanbax ka waday Buuro-burte, kaasi oo ay uga soo horjeedeen Maamul Cusub oo dhawaan loo magacaabay degmadaas, waxaana rasaasta uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah, halka qof kalena dhaawac uu soo gaaray.