Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in ku xasaasi ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta oo ah mid muhiim ah ayaa Ajendahiisu wuxuu yahay Akhrinta labaad Sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo todobaadkii lasoo dhaafay loo qeybiyay.
Xalay ayaa waxaa lagu wargeliyay Xildhibaanada in uu ku jiro kulanka, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan kulnkaas oo saacadaha soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa kusii ku qul-qulaya Xarunta Villa Hargeysa, waxaana inta uu socdo kulanka looga doodi doonaa Sharciga doorashooyinka Qaranka, iyadoona Xildhibaanada ay dood adeg ka yeelan doonaan sharcigaas.