Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Muxiyadiin Axmed Aw Muuse ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal.
G/Sare Mu’min Cabdi Shire oo ahaa Taliyihii Booliska Nugaal ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay amar diido iyo xil gudasho la’aan, isla markaana waxaa uu Taliye Muxiyadiin Axmed Go’aan ku gaaray inuu shaqo joojin ku sameeyo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland iyo Taliyaha shaqo joojinta lagu sameeay uu ka dhexeeyay Khilaaf xoogan, kaasi oo sababay in labada dhinac ay dhexmari weyso washaqeyn toos ah.
Shaqadii Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa waxaa sii wadi doona ku-xigeenkiisa iyo Saraakiisha Booliska Gobolkaas.