Wasiirka oo lagu magacaabo Aanis Basweden ayaa la sheegay inuu Cod-bixintaasi ka helay 57%, iyadoo Murashaxa kale ee la tartamayo oo lagu magacaabo Basuki Tjahaja Purnama,uu helay 43%.
Murashaxa la tartamayo ayaa ah Kirishtaan, kaasi oo Xilka Guddoomiyaha magaalla-madaxda dalkaasi ee Jakarta hayey tan iyo bishii November 14-dii ee sannadkii 2014-kii, wuxuuna taageero ka haystaa Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalkaasi, Joko Widodo.
Guddiga Doorashadda Qaranka ayaa la filayaa inay Natiijadda Rasmiga ku dhawaaqaan bilowga bisha soo socota ee May.
©Radio Dalsan