Shaqaale ka tirsan QM oo afduub loogu haystay dalka Kongadda Dimuqraadiga oo la sii daayey.

QM ayaa sheegtay in la sii daayey 16 ka mid ah Shaqaalahooda oo ay afduubteen Qaxooti u dhashay dalka South Sudan, kuwaasi oo codsanayey in dib loo dejiyo mid ka mid ah dalalka Kenya, Uganda iyo Ethiopia.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay xaalladdu deggan tahay, isla markaana ay Ciiddanka Nabad-ilaaliyayaasha QM ku sugan yihiin Saldhigooda Munigi ee Gobalka North Kivu.

Qaxootiga dalka South Sudan waxaa qeyb ka ah Maleeshiy adii Madaxweyne-ku-xigeenkii dalkaasi, Reek Majaar oo sannadkii hore loogu itaal sheegtay dagaal ka dhacay dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media