Wasiirka Haweenka oo qaabishay Wafdi ka socda Norway

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo ku xigeenka wasiirka Marwo Xiis Xassan ayaa xafiiska ku qaabishay Heidi Elburgi johansen oo ah ergayga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo wafdi ay hogaaminayso.

“Waxaan xafiiskeyga ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dawladda norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya marwo Heidi Elburgi johansen iyo wafdi ay hogaaminayso waxaana kawada hadalnay xoojinta xuquuqda aadanaha gaar ahaan haweenka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa ammaantay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya iyo taageerada dawladda norway ay siinayso xoojinta xuquuqda aadanaha iyo ka qayb galka haweenka ee siyaasadda

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media