Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Safarka dhuusamareeb ee Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ku wehlin doono xubno ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Ujeedka uu Wasiir Sabriye u gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug,isla markaana ay u qabsoomi laheyd doorashada Galmudug bartamaha sanadkaan.
Sidoo kale Wasiirka inta halkaasi uu ku sugan yahay ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa maalintii shalay aheyd lagu waday in uu safar ku gaaro Magaalada Gaalkacyo,balse waxaa la sheegay in uu ka baaqday.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay,waxaana Ciidamo dheeraad ah lagu arkayaan Wadooyinka ku yaalla halkaasi.