Wasiir ku-xigeen ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Is Casilay

Cabdikariin dhalac oo ahaa Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii uu ka haayay Xukuumadda.

Sababta uu isku Casilay Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayuu ku sheegay inay tahay faragelinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku heyso dowlad Goboleedka dalka ka jira gaar ahaan Arrimaha Maamulka Galmudug.

War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook Cabdikariin dhalac ayuu ku shaaciyay inuu iska Casilay xilkii Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradaas,sidoo kalena Cabdikariin ayaa waxaa uu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media