Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay Gobolka Nugaal ee Maamul Goboleedka Puntland, waxaana la helayaa faah faahinno dheraad ah oo la xiriira Shilkaasi.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu qalibmay gaari uu la socday Wasiirka Caddaaladda Dowlad Goboleedka Puntland Cawil Sh.Xaamud, waxaana shilku uu ka dhacay Miyiga Gobolka Nugal.
Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Shilka uu dhaawac aad u culus uu kasoo gaaray mid ka mid ah ilaalada Wasiirka,kaasi oo la sheegay in Cusbitaalka loola cararay kadib shilka, waxaana wararku intas ku darayaan in Wasiirku uu nabad qabo.
Inta badan shilalka ka dhaca Degaanada maamulkaasi Puntland ayaa loo aaneeyaan bur-burka waddooyinka, iyo wadayaasha gaadiidka oo xawaare sare ku wada Gawaarida, waxaana inta badan ku waxyeelooba dadka shacabka ah ee isticmaala waddooyinka, iyadoo inta badan ee shilalku ay ka dhacaan, dhulka Miyiga ah.