Shirkaan oo ka socda Xarunta Xalane ayaa galay Maalintii labaad waxaana ka qeybgalaya Madax ka socota dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Amisom,iyada oo looga hadlayo sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in mas’uuliyada ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM.
Masuuliyiinta dhanka dowladda Soomaaliya uga qeybgaleysa shirkaan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Saraakiisha laamaha amniga Soomaliya halka Amisom ay ku sugan yihiin Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yrurub iyo Mareykanka , UK .
Amb. Francisco Madiera Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Ciidamada Soomaaliya ay amaanka Xaqiijiyaan marka la gaaro doorashada Sanad 2021,ka markii y Amisom dalka kala wareegaan Sanada 2018..
Bishii April ee sanadkan Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heshiis qorshahiisu yahay sidii lagu dhisi laha Ciidan Qaran oo mideysan kaas oo Ciidamada Amisom kala wareega Amaanka dalka.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka shirkaan kaas oo sahli kara in Guul laga gaaro Waqtiga adag ee lagu jiro.
Shirkan ayaa wxa uu socon doonaa Mudo 4 maalmood ah iyada oo la filayo in qodobo laga soo saaro.
Sawirro