KHAAS: Murashixiinta Madaxweyne ee lagu helo Musuq iyo Cod-iibsasho oo natiijadooda la burin doono.

Beesha Caalamka, oo ay QM horkacayso waxay maanta Kulan albaabadda u xirnaa la yeesheen Guddiga Doorashadda ee Barlamaanka iyo Guddiga cusub ee Ilaalinta Anshaxa Doorashadda waxayna ka soo saareen Tallaabooyin adag oo ku aadan Musharax kasta oo Madaxweyne ee looga shakiyo inuu ku lug leeyahay Cod-iibsasho.

Mas’uuliyiintaasi oo Kulan qaatay dhowr saacadood ku yeeshay Dhismaha QM iyo Midowga Afrika ku leeyihiin  Xarunta Xalane ayaa waxa Ajendaha figta sare uga jiray sida wax looga qabanayo Murashixiinta Madaxweyne ee lagu helo musuqa.

Sida laga soo xigtay xubin ka tirsan Guddiga oo joogay Shirkaasi ayaa sheegay in Natiijadda Murasharaxii lagu tuhmo Musuq la burin doono.

Kameerooyinka Qarsoon ee CCTV ayaa lagu rakiay goobta lagu codeynayo, si looga ilaaleeyo wax kasta oo musuq ah.

Xubnaha Beesha Calaamiga iyo Labada  Guddi waxay kaloo ku heshiiyeen  inaan nooc kasta oo Ololeyn ah loo oggolaan doonin goobta Doorashadda.

Xubin ka qeyb galay Shirka maanta ka dhacay Xarunta Xalane waxa uu si gaar ah ugu sheegay Radio Dalsan inay baarayaan Kiisas dhawaan warbixintooda la soo gaarsiiyey.

Habeenkii Axadda, Radio Dalsan waxa uu tebiyey inay  Cod-iibsashada  ka socdaan  3 Hoteelo Heer Sare oo ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Baarayaasheenna waxay muujiyeen inay Murashixiinta Madaxweynaha u adeegsadaan Dulaaliin ku khalkhaaliya Xildhibaanadda inay u soo jiidaan gudaha Hoteeladaasi.

Marka Xildhibaanka lala soo heshiiyo ee uu la kulmo ninka weyn, waxa uu Murashaxu bixiyaa lacag lagu qiyaasay 40,000  oo Dollar ilaa 70,000 oo Dollar.

Baaritaanka Radio Dalsan waxaa kaloo lagu so oogaaday inay Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda dhamaantooda ku sugan yihiin Caasimadda Muqdisho, iyadoo midkooda sheegay inuu ku lug leeyahay isku-dayga laaluushka uu bixinayo Murashax Gaar ah.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media