Muqdisho, 21, Jan, 2016…Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay madal looga doodayo miisaaniyadda qaran ee 2016, waxaana madasha ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo dadka ku nool daafaha caalamku ay uga qayb qaadanayeen khadka telefoonada, Facebook, iyo Twitter, si ay wax badan uga ogaadaan qaabka ay miisaaniyadu u soo xarooto, meelaha ay ka kala timaado iyo qaabka ay u baxdo.
Kulankaan shacabka lala wadaagayo Miisaaniyadda ayaa noqonaya kii ugu horeeyey Wasaaradu kula qaybsato xogta ku aadan Miisaaniyadda, waxaana doodda ka qayb galay Dr. Xil Cilmi Maxamuud Nuur oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah islamarkaana ah guddoomiyaha guddi hoosaadka Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka, sidoo kale Khabiir dhanka dhaqaalaha Xuseen Siyaad Cato iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Axmed Cabdi Aden “Iraad”.
Agaasimaha Waxaada Miisaaniyadda ayaa faafhin dheer ka bixiyey heerarkii ay soo martay miisaaniyadda sanadihii ugu danbeeyey, isagoona tilmaamay in muhiim tahay in shacabka Canshuurta laga qaado lala wadaago qaabka ay u baxdo miisaaniyadu.
“Miisaaniyada guud ahaan waa hab dowaldda ay ku gaarto ahadaafteeda shaqo, waxayna ka koobantahay soo xarayn dakhliiyo qoondayn sida uu ku baxo dakhligaas, waxayna taabanayasaa arrimaha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaadsadda, waana meesha laga eego dowladda xaaladeeda dhaqaale iyo waxqabadkeeda hadey ahaan lahayd caalamka ama shacbiga Soomaaliyeed. Sidoo kale Miisaaniyaddu waa odoros dakhli, ayadoo markasta maskaxda lagu hayo siyaasadda guud iyo mudnaanta dowladdu dajiso oo ku aadan halka ay dooneyso in dowladdu waax ka qabato sanad miisaaniyadeedkaas.” ayuu yiir Mudane Iraad
Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada ayaa sheegay in shanti sano ee la soo dhaafay uu muuqaday isbadal badan oo dhanka miisaaniyadda ah, wuxuuna tilmaamay in sanadkii 2010 miisaaniyadda dowladu ahayd 35 milyan, maantana ay marayso 246 milyan, oo 60% lagu jaan gooyeey dakhliga gudaha ka soo xarooda, wuxuu sidoo kale sheegay muhiimada ay leedahay in shacabku ogaadaaan qaabka lagu bixinayo lacagtaas, marka la fiiray qoondada miisaaniyaddu maahan mid badan, badankeedana waxaa lagu daboolaa dhanka amniga, mushaaradka ciidamada, iyo tasiilaadkooda, waxaa jira qaybo yar kale oo loogu talagalay dhanka horumarinta.
Xildhibaan Cilmi ayaa tilmaamay in Baarlamanka uu ku leeyahay door xadidan marka laga hadlayo miisaaniyadda, kaalintaasna ay ku kooban tahay oo kaliya waafajinta sharciga.
Dooraka Miisaaniyadda uu ku leeyahay Baarlamaanku waa mid xadidan, waxaana ka fiirinaa In ay tahay mid xaqiiqa ah oo la heli karo, Dhanka sharciga oo ah in ay la socoto qorsha howleedka dowaldda, Xisaab ahaan sax ma tahay iyo in si wanaagsan laysugu dheeli tiray. Soo diyaarinta iyo qaabaynta waxaa iska leh xukuumadda, inay yiraahdaan awooda dhaqaale dalku waa intas, baarlamaanku wuxuu samayn karaa talo soo jeedin. Waxaa xusid mudan in sadex sano ee ugu danbeeyey uu dhismayaey maamulka maaliyadeed ee dalka, waxaana muuqata talaaboyin badan oo horumar leh, waxaana hada socda sharciyo lagu dhisayo nidaamka maaliyadeed ee dalka” ayuu yiri Xilidhibaan Cilmi,
Ugu danbayntii Xuseen Caato oo ah khabiir dhanka maaliyadda ah oo ka qayb galay dooda ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay iney dadajiso shuruucda lagu qaadayo canshuuraha si loo soo xareeyo dakhli intaa ka badan, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in miisaaniyada hada lagu shaqeeyo ay tahay dhiig joojin ee aan lagu sheegi karin miisaaniyad dowladeed marka la fiirsho cadadkeeda iyo meelaha loogu talo galay in lagu bixiyo.