Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo baxay waxaa ay ku faah faahisay xaalado cusub oo ku soo kordhay Covid-19.
Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 41 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 328 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.
Sidoo kale waxaa jirta ,2 qof oo u geeriyootay xanuunkaasi,waxaana tirada guud ay ka dhigaysaa 16 qof,sidoo kale labo kale ayaa bogsootay,waxaana guud ahaan tirada bogsoshada noqonaysaa ilaa 8 ruux.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xakameyn lahaa faafidda xanuunkaasi,iyadoo ay socdaan dadaalo badan oo bulshada lagu bad-baadinayo.