• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Wasaaradda Arrimaha Dibada oo cadeysay sababta Madaxweynaha ugu baaqday Shirka Guud ee QM

Bilan Media by Bilan Media
September 26, 2018
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii labaad ka baaqday shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka socda.

Baraha bulshada ayaa la isku weydiinayaa sababta uu madaxweynaha markii labaad uga baaqanaayo shirka, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in madaxweynuhu uu haysto baasaboor Mareykan ah, sidaasi darteedna uu u baaqday.

Sharciga dalka Mareykanka ma oggola in qof haysta baasaboorkooda uu dalkaasi tego isagoo adeegsanayo baasaboor dal kale.

Balse wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo shirkaasi ku matalaya dowladdiisa ayaa BBC u sheegay in madaxweynaha uu u kala hormariyo howlaha u yaalla sida ay u kala muhiimsan yihiin.

”In madaxweynaha uu shirka ka baaqdo qasab ma ahan inay sabab yeelato, laakin waxay noqon kartaa inuu arrimo ka muhiimsan tagitaankiisa New York waqtigan la joogo ay jiraan, marka in la’is weydiiyo oo lala yaabo ma’aha. Madaxweynaha ayaa qiimeeya sida ay u kala horreeyaan, una kala muhiimsan yihiin howlaha uu qabanaayo, waana dhaqan adduunka ka jira, wax Soomaaliya kaliya u gaar ah ma aha” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Dr Ibrahim Bursalid oo ka faalooda arrimaha caalamka, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo loo sababayn karo arrintan.

”Walow aanan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa in madaxweynaha uusan aadin shirkaasi muhiimka ah marki labaad, waxaan garaneynin in madaxweynahu ay ka tahay biseyl odaynimo iyo in ay ka tahay quud-darreyn uu quud-darreynaayo dhalashadiisa mareykanka.”

Dad badan oo falanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in madaxweynuhu uusan rabin inuu wareejiyo basaboorkiisa Mareykanka, uuna masaalixda Soomaalida ka ka doorbidaayo baasaboorka.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo isna ka faalooda arrimaha caalamka ayaa dhankiisa qaba in labo mid uun ay tahay.

”In madaxweynaha uu waayay wax uu la hor tago shirka, maadaama amniga dalka aan horumar laga samaynin, dowlad goboleedyadana ay is khilaafsan yihiin. Waxaa laga yabaa in uu is leeyahay tan xalli, ka dibna shirarka xiga ee Qaramada Midoobay ka qeyb qaado, adigoo haysta wax cad oo muuqda. Waxaa kale oo suurta gal in uusan dooneynin inuu wareejiyo baasaboorkiisa Mareykanka madaama waqti yar ay u hartay uusanna hubin in uu mar labaad soo laaban doono iyo in kale.” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Balse Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaysan jirin wararkaasi oo dhan, falanqeeyayaashuna ay fiicnaan lahayd shaqo kale inay ku mashquulaan.

”Farmaajo madaxweyne Mareykan ma aha, waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Xeel dheerayaasha sheegaaya in labo madaxweyne oo Mareykan aysan hal mar wada joogi karin Mareykanka waa kuwa aan aad u xeeldheereyn, madaxweynuhu waa uu imaan karaa Mareykanka laakiin go’aanka isaga ayaa iska leh, mana haboonna in la yiraahdo maxaad u tagi waysay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in sababta uu shirka Qaramada Midoobay uga qeyb gali waayay ay tahay maadaama uu ku mashquulsan yahay xallinta khilaafka maamul goboleedka Galmudug, balse masaalix badan oo hadii madaxweynaha uu tago shirkaasi u hirgali lahaa Soomaaliya ayaa u muuqda hadda in ay meesha ka bexeen.

Previous Post

Sawirro:-Wasiirka Maaliyadda  oo Shir Guddoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha

Next Post

Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo booqday deegaano laga saaray Al Shabaab

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post

Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo booqday deegaano laga saaray Al Shabaab

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00