Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqday fariisimaha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynahu wuxuu booqday deegaanka Baarsanguuni halkaas oo dhowr bilood ka hor laga saaray dagaalamayaasha Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhow oo ay Ciidamada Darawiishta Jubbaland ka wadaan howlgalo sifayn ah isagoo kala hadlay in la dardar galiyo sidii isku socodka dadweynahu u noqon lahaa mid wanaagsan iyadoo Al-Shabaab laga saarayo deeganada ay wali ku harsan yihiin.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu halkan u yimid si uu wakhti ula qaato Ciidamada una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayuu sheegay in weerar midaysan lagu qaaday, taas oo meesha ka saaraysa in ay isku gurmadaan.