Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaraya deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari, waxaana dagaalkan la isku adeegsanayaa hubka cul culus.
Inta la xaqiijiyay saddex askari iyo hal sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa ku dhintay dagaalka socda, halka tiro kalena Askar ah ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka oo ka hadlaayay dagaalkaas.
Sidoo kale Saraakiisha daraawiishta Puntland ayaa sheegay inay Al-shabaab ay dagaalka uga dileen 12 xubnood, isla markaana howlgalka uu haatan ka socdo dhulka buuraleyda ah ee ku dhow degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ku sheegteen inya gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan oo ku yaalla gudaha Saldhiga ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland ee weerarka ku qaadeen.
Dagaalkaan ka socda deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa waxaa uu markiisa ka bilowday weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaankaas, kadiba waxaa bilowday dagaalo saacado qaatay oo weli socda.
Ma aha markii ugu horreeyay ee dagaalamayaasha Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, isla markaana ay muddo kooban kula wreegeen deegaanka, wallow markii dambe laga saaray…