Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabeelle iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle, waxaana dagaalka dhexmaray Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM qeyb ka ahaa kuwa Ilaalada Madaxtooyada.
Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalka markii horey uu ka dhashay dhul ku yaalla meel u dhaw Madaxtooyada Hirshabelle oo Milkiydiisa uu sheegtay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Jowhar.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii Maanta dhacay, isla markaana waxaa halkaas ku dhintay laba Askari oo ka kala tirsan Ciidanka Booliska Hirshabeelle iyo kuwa AMISOM, waxaana ku dhaawacmay 4 Askari oo labada dhinac ah.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlaayan dagaalkii Maanta, waxaana aaga uu dagaalka ku dhacay ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas oo dhinacyada kala dhex-galay.