Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka NISA ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay fashiliyeen Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka.
Qoraal kasoo baxay NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in xogta qaraxaas miinada ee la aasay ay Ciidanka amniga daba socdeen, isla markaana laga soo saaray meel ku dhow webiga Jubba.
“Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa fashiliyay isku day ay doonayeen Al-Shabaab in ay dadka shacabka ah ku dhibaateyaan Ciidanka ayaa daba socday xogna ka hayay Qarax lagu aasay wabiga qarkiisa ” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA Jubbaland.
Ugu dambeyn NISA Jubbaland ayaa Qoraalka ku sheegtay in laba Isbuuc ka hor ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay aaga Yoontooy oo ku yaalla deegaan ka tirsan Maamulkaas.