Wararkii ugu dambeeyay dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dagaalkan  uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah kusoo qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay lahaayeen duleedka Degmada Jalalaqsi,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal culsu oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,kaasi oo qaatay In ka badan laba saacadood.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa tilmaamay inay maqlayeen jugta qaraxyo ka dhacayay halka uu dagaalka ka socday,waxaana dagaalkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay inay weerarkaas ay iska difaaceen,isla markaana ay ka hor tageen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay Degmada Jalalaqsi,iyadoona sheegtay inay halkaasi ku dileen 13 Askari oo ka tirsan Ciidamada Jabuuti.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in Gaari nooca dagaalka oo ay wateen Ciidamada Jabuuti qarax lagu gubay xili uu marayay Buundada degmadaas.

Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale weerar xoogan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ay ku lahaayeen duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media