Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa Shir ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa ka qeyb galay Sanduuqa lacagta Aduunka (IMF) Banka Aduunka World bank),Midowga Yurub iyo Marti Sharaf kale,waxaana looga hadlay arrimo kala duwan.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha deyn Cafinta Soomaaliya Wajigiisa afaraad,isla markaana waxaa Shir Guddoomiyay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaaale Beyle.
Sidoo kale shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyada dowladda,iyadoona la isla gartay shaqooyinka dalka horyaala la isla qabto si loo gaaro hadafka fog ee soo celinta macaamiilkii dhaqaale ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan Madaxda Wasaaradaha Maaliyada Maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen in la hormariyo danta Maaliyadeed iyo dhaqaale ee ummadda Soomaaliyeed.
Shirka ayaa markii uu soo dhammaaday,kadib waxaa laga soo saaray War-murtiyeed u qornaaa sidan.