Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Axmed Abu Zeyd ayaa sheegay inay Dowladda Masar si xoogan u cambaaraynayso weerarkii Is-qarxinta ee ay Xarakadda Alshabaab shalay la beegsadeen Saldhigga Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin magaalladda Beled-weyne ee Bartamaha Somalia.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Masar la garab taagan tahay Dowladda Federalka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM dadaalka loogu jiro sidii loo sugi lahaa Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.
Dhinaca kale, Dowladda Qatar ayaa cambaaraysay Weerarkii Xarakadda Alshabaab shalay ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Jabuuti ee magaalladda Beled-weyne, laguna dilay dhowr qof oo isugu jirta Askarta Jabuutiyaanka iyo dad rayid ahaa.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar ayaa lagu xusay inay Dowladda Qatar la garab taagan tahay Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM dadaalka lagu soo celinayo Ammaanka Somalia.
©Radio Dalsan