Dowladdaha Itoobiya iyo Suudaan oo heshiis ka gaaray murankii Biyo-xireenka GERD

Madaxa Golaha KMG ee haya talada dalka Suudaan, Jeneeral C/Fataax Al-Burhani ayaa waxaa kulan Khaas ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali oo  booqasho dhowr saacadood ah ku tegay caasimadda dalka Suudan ee Khartoum.

Al-Burhani ayaa waxa uu kulanka kadib shaaciyey inay Suudaan iyo Itoobiya isku waafaqeen guud ahaan qaddiyada murankii Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya oo loo soo gaabiyo GERD)  iyo Mashruuca weyn ee Korantada ee ay Itoobiya ka dhistay webiga Nile, kaasi oo sare u qaaday Xiisadaha Itoobiya iyo dalalka Suudan iyo Masar.

Booqashada uu Abiy Ahmed Ali shalay ku tegay Khartoum waa tii ugu horeysay tan iyo bishii August ee sanadkii 2020-dii, wuxuuna Abiy Ahmed kulamo xiriir ah la yeeshay Al-Burhani.

Bayaan rasmi oo ka soo baxay Suudan ayaa lagu sheegay inuu Al-Burhani Kulankii uu la yeeshay RW Abiy ka yiri: “Suudan iyo Itoobiya waxay ku heshiiyeen, kuna heshiiyeen dhamaan Qaddiyada Biyo-Xireenka weyn ee  Ethiopia (The Grand Renaissance Dam ee Itoobiya) oo loo soo gaabiyo GERD “.

Dhanka kale, Bayaanka ayaa waxa lagu xusay inuu Itoobiya ayiday inuusan Biyo-xireenka GERD wax dhibaatada ah u keeni  doonin Sudan, balse, waxa Suudaan ku soo laaban doono Nacfiga ama Faa’idada dhinaca Korantada.

W/Q: Ustaad Nuuradiin

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply