Burcad-baddeed Somali ah ayaa la sheegay inay 3 Kenyan afduub u haysteen tan iyo sannadkii 2014-kii.
Khabiir dhinaca Baddaha oo u dhashay Kenya oo lagu magacaabo Andrew Mwangura ayaa sheegay in La-haystayaashaasi qeyb ka yihiin 13 Badmaaxiin Shisheeye ah oo weli ku jira Gacanta Burcad-baddeeda.
Isagoo la hadlayey Wargeyska The Star ayuu sheegay in 2 ka mid ah La-hayatayaashaasi lagu haysto Degmadda Xarar-dheere ee Gobalka Mudug, waa sida uu hadalka u dhigay.
La-haystayaasha Kenyanka oo lagu kala magacaabo Louis Njoki, George Macharia iyo George Macharia ayaa la sheegay inay ku nool yihiin xaallad aad u adag.
Andrew Mwangura waxa uu tilmaamay in 2 shaqaale Kenyan laga soo qafaashay iyagoo u shaqaynayey Shirkad Dhismo oo ku taalla magaalladda Muqdisho.
“Kooxda la rumeysan yahay inay Labadaasi Injineer u afduuban yihiin Koox Burcad-baddeed hoos tagta Hoggamiye lagu magacaabo Maxamed Gafanje” ayuu yiri Andrew Mwangura.
Waxa uu intaasi ku daray inay Burcad-baddedaasi codsadeen Lacag madax-furasho si ay u sii daayaan La-haystayaasha Kenyanka, balse ma uusan Kharajka ay codsadeen in la siiyo.
Maalmo ka hor ayey ahayd, markii ay Burcad-baddeedu sii daayeen 26 Badmaaxiin Shisheeye ah oo ay haysteen tan iyo bishii March ee sannadkii 2012-kii.
Badmaaxiintaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Cambodia, China, Indonesia, the Philippines, Taiwan iyo Vietnam ayaa la sii daayey, kadib, markii la bixiyey lacag madax-furasho oo aan tiradeeda la shaacinin.
©Radio Dalsan