Shil dad Carruur u badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Bulgaria

Ugu yaraan 46 qof ayaa ku dhintay shil bas oo ka dhacay Bulgaria,sida wararku tebinayaan 12 Caruur ah ayaa ka mid ah dadka dhintay halka 7 qof oo shilka ku dhaawacmay lagu dabiibayo cisbitaal ku yaal caasimadda.

Baska ayaa dab qabsaday ka dib markii uu ku dhacay xayndaab waddo ah oo ku taal galbeedka Sofia, sida uu sheegay taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NOVA.