Taliyaha Ciidamada Xoogga oo Saldhigga Balidoogle kula kulmay Sarakiil Maraykan ah

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Generaal Odowaa,Yuusuf Raage ayaa gaaray Saldhigga Balidoogle ee guutada 16-aad Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha wuxuu Kulamo la qaatay,saraakiisha iyo Ciidamada, oo uu ku boggaadiyey guusha joogtada ah ee ay ka soo Hooyaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa wuxuu bogaadiyay askarta iyo Saraakiisha Kumaandooska Xoogga Dalka Hawlgalada ka dhanka ah Alshabaabna ka wada deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa halkaas kulamo kula qaatay Howlgalada Mareeykanka iyo Amisom kuwaasi oo looga hadlay sidii loo dardargalinlahaa dagaalka dalka looga saarayo Al-shabaab.

Jeneraal Odawaa ayaa wuxuu kormeer ku sameeyay dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xerada Balidoogle oo ah taliska guutada 16-aad ee kumaandooska Xoogga Dalka oo inta badan sameeyo howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media