Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Mustafa Cagjar ay gaaraan Magalada Asmara ee Caasimadda dalka Eletariya.
Ujeedka wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi kula kulmi doonaan Madaxda Sare ee Jabhadda ONLF oo mudo badan dagaal kula jirtay Itoobiya balse heshiis laga gaaray dagaalkaas.
Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Madaxda sare ee ONLF ayaa wadahadaladu markay u soo dhamaadaan waxaa la filayaa in ay iyaga oo wada socda soo gaaraan Magalada Jigjiga ee Xarunta dowlad Deegaanka Soomaalida.
Maalin ka hor waxaa Adis Ababa soo gaaray Xubno uu hoggaaminayo Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Cadaani Hirmooge,isaga oo la kulmay madax ka tirsan Dowladda Itoobiya.