Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo dagaal beeleedyo ay ka socdaan ayaa sheegaya in uu ku dhaawacmay wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka Galmudug Daahir shidane Cabdi.
Sida ay wararku sheegayaan wasiirka ayaa dhaawac soo gaaray xilli uu isku dayay in uu dhexgalo laba maleeshiye beelood oo ku dagaalamaya waqooyiga gobolka Galgaduud,sidaas waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xubno ka mi ah ehelkiisa.
Dhaawaca wasiirka ayaa lasoo qaaday dhinaca magaalada Dhuusamareeb,iyada oo ilaa iyo haatan deegaanka Xananbuure iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ay dagaaladu ka socdaan,inta la xaqiijiyana ilaa iyo haatan 4-ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa dhaawac soo gaaray.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka amababaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in ay ku baxeen in kasta oo ilaa iyo haatan aysan ku guulaysan in ay kala qaadaan dhinacyada ama ay joojiyaan xabadda.