Madaxweyne Axmed Madoobe oo Mareykanka kala hadlay la-dagaalanka Al-shabaab

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta oo sabti ah waxaa gaaray Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay.

Wafdiga Taliye Thomas Sarrouf ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Wasiirka amniga Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Mareykanka ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo saraakiil kale.

Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Taliye Thomas Sarrouf ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah A-Shabaab, tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya iyo Arrimo kale oo ku aadan Maamulka.

Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ka dalbaday in deegaanada dowlad Goboleedka Jubbaland laga bilaabo howlgalo lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ku sugan degaano ka tirsan Maamulkaas.

Kulankan dhexmaray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Taliye Thomas Sarrouf ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay Magaalada Kismaayo uu gaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, isla markaana ka wada hadlay howlgalo laga bilaabayo Jubbaland.