Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo shir gaar ah xalay la yeeshay Xildhibaanada iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa kala hadlay arrimaha muhiim ah oo quseeya xaaladda gobolada Sool iyo Sanaag.
Wasiir Bidhaan ayaa madasha kulanka ka sheegay in matalaada gobaladaas ee shirka Jabuuti ay ahayd dawladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna in ay wax wanaagsan yihiin go’aamada soo baxay.
Kulanka, waxaa lagu soo bandhigay xaqiiqooyinka wada-hadalkii Jabuuti, gaar ahaana doodaha masiiriga ahaa ee dhinacyada.
Bidhaan ayaa soo gudbiyey 10 mashruuc oo deg deg looga fulinayo bilo gudahood gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay maamulayso DFS.