Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Flish ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ugu weyntahay u diyaar garowga Todobaadka Xoriyadda waxaana kulanka warbixin looga dhageystay guddoomiyaasha degmooyinka.
Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlayey u diyaar garowga Maalmaha Xoriyadda Todobaadka oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la faray in ay ka shaqeeyaan sidii guri kasta oo ku yaalla magaalada Muqqdisho looga taagi lahaa Calanka si loo weyneyo maalmaha xoriyadda oo ku weyn dadka Soomaaliyeeed.
Kulanka oo ay joogaan qaar ka mid ah Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir, Gudoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa gebagebadii waxaa loo saaray 15 xubnood oo diyaarinaya Munaasabadaha Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya oo ku beegan inta u dhexeysa 26-ka June iyo 1-da Luulyo.