Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Mxamed Farmaajo ayaa u ama-baxay DR Congo, isagoo goordhaweyd gaaray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Farmaajo ayaa kusii jeeda magaalada Kinshasa ee dalka DR Congo, waxaana Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegayaan in safarkiisa uu la xiriiro wada hadal la filayo in laga dhex bilaabo Soomaaliya iyo Kenya.
wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Madaxweynaha DR Congo Felix Tshisekedi oo ah Madaxa Midowga Afrika ee xilligan, ayaa la sheegayaa in si kala gaar gaar ah uu u qaabili doonaa Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.
dhanka kale wararka qaar ayaa tilmaamaya in madaxweynaha Kenya Uhuru uu
isna la filayo inuu khamiista tago dalkaasi Congo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii muddo kordhinta loo sameeyay ayaa safarkani wxaa uu naqonayaa kii ugu horreeyay ee uu dalka dibadda u baxo.