Kolonel Assimi Goyta oo labo jeer Afgembi ku qabsaday Talada dalkaasi ayaa waxaa maanta loo xil-saaray Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ee dalkaasi, inkastoo ay Beesha Caalamka cambaareeyeen falkii uu Talada dalka ee uu xoooga kula wareegay bishii la soo dhaafay ee Meey.
Madaxweyne Assimi Goyta oo 37 jir ah waxa uu horey Ku-xigeen u ahaa Madaxweynihii Ku-meel-gaarka ee dalkaasi, BAH NADOW iyo Raโisul-wasaare Mukhtaar Coon, kuwaasi oo uu dabayaaqadii bishii hore Talada kala wareegay, isagoo ku eedeeyey inaysan kala tashanin Isku-shaandheyntii ay Xukuumadda ku sameeyeen.
Madaxweynihii iyo Raโisul-wasaarihii hore ee dalka Mali waxay iska casileen Xilka, kadib, markii uu Kolonel Assimi Goyta muddo kooban Xabsiga dhigay.
Waa afgembigii labaad ee uu talada dalkaasi ku qabsado, isagoo Madaxweynihii hore loo doortay ee Ibraahjim Bubakar Kayta xilka ka tuuray bishii Agost 18-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii.