Waaberigii hore ayey Diyaaradahaasi duqeeyeen goob la sheegay inay yaalleen qalabka laga gano Gantaalada ee shalay lagu duqeeyey gudaha Israel.
Telefishinka AL-MANAAR ee Ururka Xisbullaahi ayaa sheegay inay Diyaaradaha Israel 2 weerar ku qaadeen duleedka Degmadda Maxmuudiyag oo qiyastii 12 KM ka fog Xuduudka Israe
Telefishinka ma uusan soo hadal-qaadin haddii ay khasaaro ka dhasheen Duqeymahaasi, lamina oga inay ka fal-celin doonaan.
Shalay ayey ahayd, markii ay Lubnaan iyo Israel Gantaalo is-weydarsadeen, iyadoo ay dhowr Gantaal ku dhaceen gudaha Israel, halka ay 7 kalena ku habsadeen Koonfurta Lubnaan.