Kooxda Taalibaan ayaa wacad ku martay inay weerarro dheeri ah la beegsaneyso madaxda dowladda Afghanistan, maalin kaddib markii wasiirka gaashaandhigga dalkaas uu ka badbaaday isku day dil, iyagoo sheegay in dagaalkoodu ku wajahanyahay sidii ay ula wareegi lahaayeen magaalooyin badan oo go’doonsan.
Weerar loo adeegsaday bam iyo rasaas oo lagu qaaday Wasiirka Difaaca Bismillah Mohammadi habeenimadii Talaadada ayaa markii ugu horreysay muddo bilooyin ah sababay dagaal ka billowday magaalada caasimada ah.
Ciidamada Afghanistan iyo kuwa Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha cirka ee ka dhanka ah muqaawimada Taaliban, waxaana kooxdani ay sheegtay Arbacadii in weerarka Kabul uu yahay jawaabta weerarradaas.
“Weerarkani wuxuu bilow u yahay hawlgallada aargoosiga ah ee ka dhanka ah kooxaha iyo hoggaamiyeyaasha maamulka Kabul ee amra weerarada iyo duqeynta meelo kala duwan oo dalka ah,” ayuu afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ku yiri war uu ku soo qoray baraha bulshada.
Ciidamada Afghanistan ayaa iska caabbiyey kooxihii soo qaaday weerarka lagu bartilmaameedsaday wasiirka, laakiin afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Mirwais Stanikzai ayaa sheegay in siddeed qof ay dhinteen, tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen.
Hanjabaadda Taalibaan ayaa timid kaddib markii militariga Afghanistan ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen koonfurta magaalada Lashkar Gah, halkaas oo Taalibaan ay ku soo qulqulayeen.