(La-yaabka): Lacago Qadaadiic Dahab oo la isticmaali jirey Qarnigii 12-aad oo la helay

Shaqale u dhashay dalka Hindiya waxay maanta heleen dheri ay ka buuxeen Qadaadiic Lacag Dahab ah iyo Mujaaharaad, xilli ay qodayeen dhulka oo la doonayo in Dhismo Waddo laga fuliyo oo u dhexeysa Tuullooyinka Korkoti iyo Bedma ee Bartamaha dalkaasi.

Alaabtaasi qaddiimiga ah waxay Shaqaalahaasi ka heleen Degmadda Kondagaon oo qiyaastii 231 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda Gobalka Chhattisgarh ee Kondagaon.

Dheriga waxaa laga dhex helay 57 Lacago qadaadiic Dahab ah, lacag qalin laga sameeyey iyo dhego-dhego Dahab ahaa.

Baraitaan hordhac ayaa waxa uu muujinayaa in Lacagahaasi jajabka ah uu lahaa Hoggaamiye la oran jirey Yadev, kaasi oo madax ka ahaa Gobalka Gobalka Vidarbah (oo hataan loo yaqanao  Maharashtra).

Waxaa la sheegay in Lacagahaasi qaddiimiga ah lagu wareejinayo Waaxda Baaritaanka Qalabka Qaddimiga ee dalkaasi.

WQ: Ustaad Nuradin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media