Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa kasoo degtay Diyaarad sida Arday dhameysatay waxbarashada Fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare, kuwaasi oo laga soo qaaday Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ardayda ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiirka Wasaaradda Gargaarka Iyo maareenta Musiibooyinka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Ardayda oo ka yimid dhanka Magaalada Baraawe ayaa waxaa dhaafay Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qaadeyso dowladda Soomaaliya ee shalay furmay, iyagoo sababta ku sheegay inay tahay in Imtixaanka aan lagu gelin Baraawe.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Aradyad loo gudbiyay Jaamacadda Umadda qaybta Gahayr oo ay ku geli doonan laba maaddo ah Imtixaanka, kuwaasi oo kala ah Tarbiyada Islaamka iyo Xisaab, waxaana dhaafay Maadooyinka Juquraafi iyo Somalia oo la galay.
Mid kamid ah Ardayda oo laga soo duubay Muuqaal ayaa tilmaamay in marka horey lagu wargeliyay in Imtixaanka si ay u galaan loo qaadayo dhanka Magaalada Marka, hayeeshee taas aysan dhicin, uuna dhaafay labadii maaddo ee Ardayda galeen.