War Goordhow naga soo gaaray degmada Dharkenley ee Gobolkan banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in qeybo ka mid ah degmadaas uu haatan dagaal ka socdo.
Dagaalka ayaa intiisa badan waxa uu ka socdaa Xaafada Xoosh, waxaana dadka degaanka ay sheegen in uu u dhaxeeyo Ciidamada xasilinta iyo ciidamo Booliis ah oo ku sugan Xaafada xoosh.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in xili Ciidamada xasilinta ay howlgalka wadeen ay maqleen dhawaqa rasaasta ilaa iyo hadana aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com