Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Kulanka ayaa waxaa uu yahay mid hordhac u ah Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada uga furmi doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Caasimadda Galmudug ayaa soo sheegaya in kulankaas uu ku biiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed, isla markaana uu noqday mid u dhexeeya Farmaajo, RW Kheyre, Qoorqoor iyo Axmed Madoobe.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulanka uu yahay mid is xog-wareysi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana dhinacyada ay falan-qeynayaan Arrimo kala duwan.
Waa markii ugu horreeyay ee Madaxwayne Farmaajo iyo Axmed Madoobe si fool Ka fool ah isu arkayaan, waxaana kulankaas uu hordhac u yahay dadaalka la doonayo in lagu guulaysato ka hor furitaanka shirkaka Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada.