Faah Faahin laga Helayo Qarax ka Dhacay Dharkiinley

Waxaa goor dhow qarax gaari uu ka dhacay degmada Dharkiinley gaar ahaan xaafada Dabakaayo Madow ee magaalada muqdisho, kaasi oo laga helayo kala duwan.

Qaraxa ayaa la sheegay in gaariga loogu xiray  Nabadoon la sheegay inuu ka mid ahaa Ergada soo dooratay xubnaha Baarlamaanka soomaaliya, kaasi oo marayey xaafada Dabakaayo Madow ee Dharkiinley.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inuu qaraxaasi ka badbaaday Nabadoonka, iyadoo wali aan la ogaan waxyeelada rasmiga ah ee ka dhalatay qaraxa.

Waa qaraxii labaad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo waxyar ka hor qarax gaari uu ka dhacy degmada Waaabari ee gobolka Banaadir, kaasi oo gaarigiisa loogu xiray Cabdishakuur Ciise oo la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalada dowladda.