Ciidamada Amniga oo xiray qaar kamid ah Shaqaalaha Garoonka iyo Shirkada Daallo

Ila Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan in Ciidamada Amniga Soomaaliya ay xabsiga dhigeen Qaar kamid ah shaqaalaha Garoonka Aden Cadde iyo shaqaale kale oo ka tirsanaa Shirkada Diyaaradaha Daallo Airlines.

Dadkan ayaa su’aalo laga weydiinaya waxii ay ka ogaayen Qaraxii ka dhex dhacay gudaha Diyaarada Daallo Maalintii Talaadadii Isbuucii hore.