{Dhagayso}:- Duqa Gaalkacyo ee Puntland oo sheegay in Maxkamad la soo taagayo Xildhibaano isaga Mooshin ka gudbiyay

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Maxamuud Yasiin Axmed {Tumey} ayaa si kulu uga ka hadlay mooshin ay ka gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay Duqa degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland  in Xildhibanaada Mooshinka ka gudbiyay qaarkood ay, iyaga dambiyo ka yaalaan Maxkamadda, islamarkaana sheegay in hore dambiyo kala duwan u galeen, waxaana ay afduub iyo dhac u geysteen dad danta yar ah sida uu sheegay.

Wuxuu kale uu sheegay in ay hayaan nambarada Kaarar ay lacago ku shubeeyn oo ay ku dhawaad kun qof ka qaateen lacagta,isagoo sii hadlayay waxa uu yiri “markii aan soo u ruurinay lacagta laga qaatay dadka danyarta ah ayaa waxa ay noqotay Shan kun oo dollar”.

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Maxamed Yaasiin Tumeey ayaa  ugu dambeyn sheegay in Maxkamada uu ka furan yahay gal-dacwadeedkaasi ayna cadeymo u soo bandhigi doonaan Maxkamadda, isagoona sheegay in Xildhibaanada qaar ay ku jiraan dad nuucaas oo kale ah dambigoona lagu qaadi doono.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor