Ugu yaraan 9 qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen duqeyn ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta saakayto la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Koonfurta Sacuudiga.
Hadal ka soo baxay Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ku dhawaacmeen 8 qof oo Sacuudiyaan ah iyo qof watay Baasaboorka dalka Hindiya.
Telefishinka Al-masiirah ee ay Kooxda Xuutiyiinta leeyihiin ayaa sheegay inay qaadeen hawlgal ballaaran oo ay Daroon ku duqeeyeen Garoonka magaalladda Abha dalka Sacuudiga.
Xuutiyiinta waxay horey weeraro Gantaalo iyo Duqeyn la beegsadeen Garoonkaasi dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay.
Bishii June 23-dii, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen Garoonkaasi waxa ku geeriyooday Muwaadin u dhashay dalka Syria, halka 21 kalena lagudhawaacay.