Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta ku dhawaaqay xiliga uu furmayo Kal-fadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa lagu shaaciyay in Kal-fadhiga 7-aad ee Xildhibaanada Hirshabeelle uu si rasmi ah u furmayo 23-ka Bishaan Octoober 2019 kuna began Maalinta Khamiista soo socota.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan furitaanka Kal-fadhiga 7-aad, si ay u gutaan Waajibaadkooda Xil gudasho ee loo idmaday.
Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre uu Xildhibaanada Hirshabeelle ku amray inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Jowhar.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddoonka Hirshabeelle.