Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Maanta gaaray Mgaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Soomaaliland,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Nicholas Haysom ayaa Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen xiriirka ay Somaliland la leedahay Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Sidoo kale Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa waxa looga hadlay ammaanka iyo horumarka Gobolka iyo khilaafka dhawaanahaan u dhexeeyay Maamulada Puntaland iyo Soomaaliland,kaasi oo ku saabsan xaaladda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa waxa uu horey u booqday Magaalooyinka Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira sida Kismaayo,Baydhaba,Garoowe, marka laga reebo Galmudug oo uusan weli tagin iyo Madaxweynaha Hirshabeelle oo uu kula kulmay Magaalada Muqdisho.