Wajigii 2aad ee Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ayaa maanta ka furmaya Hotelka Decala ee Garoonka Aadan cadde, waxaana shirka yeelanaya guddigii horay loo magacaabay, kuwaasi oo kala matalya Maamul Goboledka dalka iyo Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana horay u magacabaay Ra’iisul Wasaare maxamed Xusueen Rooble.
Wajigii 1aad ee Shirkan ayaa horay uga dhacay Baydhabo, iyadoona Shirkaasi lagu gaaray go’aamo Masiiri ah.
Shirkan ayaa wuxuu hordhac u yahay Shirka Madaxda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo Gobalka Banaadir oo la filayo in dhawaan uu Muqdisho ka furmo.