Tanzania oo markii ugu horreysay ay  Madaxweyne ka noqonayso Haweeneey

Madaxweyne ku xigeenka dalka Tanzania gabadha lagu magacaabo Samia Hassan ayaa si rasmi ah loogu dhaarin doonaa xilka madaxweynaha dakaasi kadib markii uu geeriyooday John Magufuli oo dalkaasi hogaaminayay.

Sida uu qabo dastuurka dalkaasi madaxweyne ku xigeenka ayaa xilka madaxweynaha la wareegaya hadii ay madaxweynaha ku timaado geeri ama xanuun uu shaqada la qaban kari waayo.

Samia Hassan waxay xilkaan heyn doontaa ilaa 2025 oo uu ah waqtiga uu dhamaaneyso mudada xilka madaxweynihii geeriyooday.

Waxay noqoneysaa madaxweynihii lixaad ee Tanzania iyo madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah ee soo mara dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor