Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socda Xafiiska ugu sareeya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (World Health Organization- WHO).
Wafdigan ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fawziya Abikar Nur iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.
War kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Warbaahinta u soo gudbin doonaan War-saxaafadeed si faahfaahsan uga warbixin doona Ujeedada wadfdiga iyo hawlaha ay qaban doonaan maalmaha soo socda.
“Mar dhow waxaan idiin lasoo wadaagi doonna war-saxaafadeed si faahfaahsan uga warbixin doona ujeedada wadfdiga iyo hawlaha aan wada qaban doono maalmaha soo socda, sidoo kale waxaana heli doontaan meesha ay wax-marayaan mar walba” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka.