Wafdi ka socday Puntland iyo DDS oo kulan sagootin ah loo sameeyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan casha sharaf ah oo sagootin ah u sameeyay Isimada Soomaaliyeed ee ka socday dowlada goboleedka Puntuland iyo dowlad deegaanka Soomaalida kuwaas oo maal mihii la soo dhaafay booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa goob jog ka ahaa wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqmeed, fanaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo kulankan ka hadlay ayaa xusay in Muqdisho ay tahay magaalada umada Soomaaliyeed wax uu sidoo kale yiri.

“Magaalada Muqdisho waa magaalada umada Soomaaliyeed qofkaste oo ku hadla afka Soomaaliga ayey magaaladiisu tahay madama ay tahay Caasimadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed, waxaana waajib ka saran qofkaste oo muwaadin soomaaliyeed in uu door ka qaato xoojinta xasiloonida iyo dib u soocelinta bilicda Caasimadda”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media